Hindiya oo tirada dadka korona u dhintay ay dhaafeen 200,000

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dadka cudurka Covid-19 ugu geeriyooday waddanka Hindiya ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay kor u dhaafay laba boqol oo kun oo qof. Waa maalintiii ugu dhimashada badneyd ee soo marta Hindiya tan iyo markii uu dillaacay xanuunka.
Oksijiinta oo gabaabsi ah iyo agabka caafimaadka oo aad ugu yar cisbitaallada ayaa waxaa dalkaas ugu biiray tirada dadka uu cudurka haleelayo oo aad sare ugu kacday.

Mauusiliyiinta caafimaadka ayaa calamka ka dalbday in laga cawiyo adeegyada aas asiga ah ee caafimaadka si ay u yareeyaan saameeynta cudurkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here