Hindiya oo joojinaysa shidaalkii ay ka soo iibsan jirtay Sacuudiga.

0
262

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ugu yaraan laba shirkadood oo Hindi ah ayaa qorsheynaya in ay Sucuudiga ka iibsadaan saliid ka yar intii ay caadiyan iibsan jireen, ka dib markii boqortooyada Sucuudigu ay sare u qaaday qiimaha iibka rasmiga ah ee shidaalkeeda.

Labo ilo wareed oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters maalinimadii Arbacada, ayaa arrintan u xaqiijiyey iyada oo dalka Hindiya uu haatan sare u qaadayo inuu saliid jaban ka soo iibsado dalka Ruushka.

Dalka Hindiya, oo ah dalka saddexaad ee ugu badan ee soo dhoofsada saliidda, ayaa waxaa aad u saameeyay kor u kaca qiimaha saliidda caydhiin, iyadoo qiimaha shidaalka ee gobollada qaarkood uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here