Hey’addaha Oo Loogu baaqey u gargaarida dadkii uu saameeyey Roobabkii ka da,ay KG

0
55

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda KG Abdinasir Abdi Arush Oo Shir Jaraaid ku qabtey Xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadlay Saameynta ka dhalatey Roobabkii dhawaan ka da,ay Gobolada KG kaas oo sababay in uu ka dhasho Daadad ay dad ku dhinteen kuwa kalana ay qasab ku noqotey in ay Guriyahooda ka barakacaan.

Wasiir Abdinasir Abdi Ayaa waxa uu sheegey in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeyn doonaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka danyarta ah oo uu Roobku saameyey,isagoo ugu baaqey Hey’adaha in ka qeyb qaataan sidii gargaar u gaarsiin lahaayeen Bulshada saameysey Fatahaada Roobka keeney.

Warkung Waliba nig haaye Abdyqaadir Mahamed Nor War’ady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here