Hey’adda Caafimaadka Aduunka oo magaca ka bedashay Feyruska Shiinaha ka dilaacay

0
301

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hey’adda Caafimaadka Dunida ee WHO ayaa sheegtay in magaca ay ka badashay Feyraska cusub ah ee ka dilaacay dalka Shiinaha.

Feyraskan oo loo yaqaanay Koron-Feyras ayay hay’adu ay sheegtay in hadda kadib loogu yeerayo magaca Covid-19.

Magac ka badalista caabuqan ayaa imaanayso xilli ay sii kordhayaan dadka u dhimanaya iyo kuwa uu soo ridanayo.

Illaa iyo haatan gudaha dalka Shiinaha waxaa caabuqan u geeriyootay in kabadan 1,000 ruux, halka tobonaan kun oo ruux oo kalana uu soo ritay.

Isniintii gobolka Hubei waxaa feyraskani u dhimatay 103, ruux tiradaas oo noqotay tii ugu badneed oo maalin qura ladii waan galiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here