Heshiiskii Ay Arsenal Ku Doonaysay Arthur Melo Oo Bur-Buray.

0
329

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Heshiiskii ay kooxda Arsenal ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo ayaa u muuqda mid aan dhici doonin kaas oo haatan bur-buray sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in heshiiskii ay Gunners ku doonaysya saxiixa xiddiga Arthur Melo ayaa haatan u muuqda mid aan dhici doonin hadii ayna wax is badalin maalmaha soo socda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in diidista Arsenal diiday in ay aqbasho heshiis amaah ah oo 2 sano ah ayaa sabab u noqday in uu heshiisku bur-buro.

Arsenal ayaa doonaysay kaliya heshiis 6 bilood ah halka ay Juventus doonayso in ay Arsenal xiddiga reer Brazil ku qaadato heshiis 2 sano ah oo amaah ah.

Wadahadaladii u dhexeeyay labada kooxood ayaa haatan u muuqda mid joogsaday iyada oo ay labada kooxood ku kala keceen miiska wadahahadalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here