Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulankan ayaa looga Hadlay Fulinta qodobadii kasoo baxay Heshiiskii lagu gaaray Muqdisho, waxaana Saraakiisha Labada dhinac isla Garteen in laga shaqeeyo Nabada Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Taliyaha Ciidanka Boliiska KG, Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Degmada ayaa Saraakiisha Ciidanka kala hadlay sidii Nabada loo ilaalin lahaa.
Qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka Degmada oo kulanka ka hadlay ayaa soo wada dhaweeyey in ay ilaaliyaan Nabada Deegaanka islamarkaana aad loo adkeeyo fulinta Heshiiskii ay horey u gaareen Maadama dagaaladu ay kaliya horseedaan dhibaato badan
Warkung Waliba nig haayte Maryan Macalin Abshir