32.3 C
Baidoa
Thursday, September 19, 2024
Home Cayaaraha Hector Bellerin Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal

Hector Bellerin Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Arsenal

0
352

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa in uuna ka tagi doonin kooxda Arsenal kadib xiisihii ay kooxaha Inter Milan iyo Juventus u muujiyeen saxiixa xiddiga.

Hector Bellerin ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaana Isku dayaya in ay xiddiga reer Spain ka Afduubtaan Emirates Staduim.

Laakiin wargayska EPSN ayaa sheegaya in uu Bellerin diirada saarayo sidii uu uga sii hoos ciyaari lahaa tababaraha ay isku dalka yihiin ee Mikel Arteta mustaqbalka dhaw.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa Arsenal kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana ay arintaas Arsenal dhigaysaa meel xoogan oo ay ku diidi karto dalab walba oo u yimaada Xiddiga.

Laakiin waxa jira wal-wal ay kooxdu qabto oo ah in uu xiddigu isku dayi doono in uu isaga tago kooxda hadii ay kooxdu horumar samayn waydo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here