Hay,adda IOM Oo Agab Caafimaad looga hortagaayo Cudurka Safmarka ah ee Covid19 ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka KG.

0
310

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay,adda IOM ayaa waxa ay agab caafimaad oo loogu hortagaayo Cudurka Safmarka ah ee Covid 19 ay ku wareejisay Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana qalabkaan uu ka koobnaa Soddan iyo Sagaal kartoon oo isugu jiray Daawo, Ganfuur Xirka (Face Massk) Galoofis iyo weliba dharka ay xiraneyaan dhaqaatiirta caafimaadka, qalabkan ayaa loogu tala galay in la geeyo Xaduudaha, Ceelboorada Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana wareejinta alaabtaasi kadib ugu horeyn goobta ka hadlay Madaxa Caafimaadka Hay,adda IOM u qaabilsan Deegaanada Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Maxmuud

Warkan waxaa inoo haya Cabdiraxmaan Yusuf Xasan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here