Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo walaac ka muujisay kororka cudurka karoona fayrus.

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tirada dadka uu ku dhacay feyraska korona ayaa gaartay 13 milyan, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, tiradaas ayaa 1 milyan oo kamid ah la diiwaangeliyay 5-tii maalmood ee aan soo dhaafnay.

Cudurkaan sida fudud ku faafa ayaa dilay in ka badan Nus malyuun qof caalamka oo dhan muddo ku siman lix bilood iyo bar.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Mr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in aysan dunida ku soo laaban doonin xaladdii caadiga aheyd oo uu ula jeeday sideedii hore ka hor COVID-19 mar haddii la dayacay tallaabooyinka looga gaashaanto feyras faafa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here