Hay’adda caafimaadka Adduunka oo hogaamiyaasha Afrika uga digtay qaadista xayiraadaha cudurka Covid-19.

0
271

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Waddamada Afrika uga digay in ay fududeeyaan ama qaadaan xayiraadaha  Cudurka Coronavirus, maadaama tirada Dadka uu ku dhacay Qaaradda ay laba-laabantay Bishii la soo dhaafay.

Agaasimaha Gobolka ee hay’adda WHO ee Afrika , Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in kabadan 20 Dal oo Afrikaan ah in ay ka diiwaan galiyeen kiisas cusub , iyada oo South Africa ay tahay halka ugu badan ee uu korodhka ka jiro, waxaana xaalado horleh laga soo sheegayaa Waddamada Kenya, Madagascar, Nigeria, Zambia iyo Zimbabwe.

WHO ayaa sheegtay in Qaaradda Afrika uu ku dhowaad 890,000 Qof haleelay cudurka Coronavirus, halka 18,000 ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here