Haweenka Masar oo gaaray guul dhanka sharciga ah

0
238

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa go’aamisay in haweeneydu ay xaq u leedahay inay u hesho warqad dhalasho ilmaheeda iyadoo uusan joogin ninkeeda, gaar ahaan marka ay khilaaf ku kala maqan yihiin.

Maxkamadda Sare ee Maamulka, oo xukunkeedu yahay mid kama dambays ah oo aan racfaan laga qaadan karin, ayaa sheegtay in khilaafaadka guurka ee dhaca xilliga uurka aysan ka reebaynin hooyada inay cunageeda u hesho warqad dhalasho, islamarkana qoyska ninkeeda aysan ka hor istaagi Karin haweeneyda xuquuqdan .

Arrintan ayaa ka dambeeysay ka dib khilaaf u dhexeeya lamaane is qabay oo ku nool magaalada Damanhour, ee gobolka Buhaira ee waqooyiga Masar, ka dib markii ay xaasku ka tagtay gurigeeda iyada oo uur leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here