Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kulan ay soo qabanqaabisay wasaarada haweenka arimaha Qoyska iyo xuquuqal insaanka dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaliya iyo hay,ada CRD ayaa lagu qabtay degmada xudur kaasi oo looga hadleyey ka qeybgalka arimaha siyaasada ee haweenka degaanada koonfur galbeed.
Kulanka ayaa inta uu socday si aad ah loogu hadley dhibaatooyinka ka heysto haweenka ka qeyb galka siyaasada iyo sidii looga bixi lahaa.
waxaana kulankaasi soo xaadirey haween ka kala yimid xaafadaha guud ee degmada xudur.
ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadlay maxamuud cabdicasiis maxamed oo ka socodey hay,ada CRD waxa uu tilmaamey in ay qiimeyn ku sameynaayaan xeerarka siyaasada haweenka ee degmada xudur ee gobollka bakool.
Gudomiyaha ururka haweenka degmada xudur faadumo cabadiraxamaan ayaa dhankeeda tilmaantay in ay jiraan caqabado badan oo ay wajaheyaan haweenka degaanada gobalka bakool.
Dhanka kale Gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka bakool faadumo samaan maxmed ayaa dhankeeda umahadcelisay wasaarada sida ay marwaliba u dhiiregeliso haweenka.
Ugu dambeyntii marka kulanka soo idlaaday ayaa waxaa goobtaasi fikradahooda ka dhiibteen haweenka kulanka ka soo qeyb galeen iyagoona tilmaamen sida ay uga bixi lahaayeen dhibaatada ka heysato ka qeyb galka siyaasada ee haweenka gobalkaasi.
Radio Arlaadi:-Maryan Macalin Abshir