Haweenka Ku nool Baydhabo Oo Soo dhaweeyay Meel marinta Qoondada Dumarka Ee Uu Meel Mariyay Golaha Shacabka.

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Laga soo bilaabo dowladi cabdi Qaasim salaad haweenka soomaliyed waxa aya qeeb ka ahaayeen geedi socodka siyaasadeed dalka dib lagu dhisayo ayagoo baralamaanka soomaliya laga siiyey Boqolkiiba Soddon in kastoo ayasan wada helin qoonada dastuurka ugu qoran,waxa ay kurasta kula tartameyeen raga hadab waxa jirey Kulan labo maalin ay ku meelmariyeen, xeerka qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka ah, kaas oo maalmahan golaha shacabka ay ka doodayeen.

134 Xilidhibaan Ayaa Ogolaatay Xeerka qoondada haweenka oo gaar loo yeelo aan lagu darin raga halka ay diideen 7 xildhibaan, taas ayaa waxaa ka dhigan tahay in kuraasta golaha ay hadda haweenku ay hayaan kaliya ay u tartami karaan haween Baarlamaanka soo socda 11-aad oo ah Boqolkiiba 30%.

Warkan waxaa inoo haysa Raxma Salaad Cabdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here