Haweenka Jubaland oo codsaday in la ilaaliyo qoondada dumarka

0
229

Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah haweenka jubaland oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa looga hadlay xaqiijinta qoondadda haweenka iyagoo sidoo kalena  ka codsaday Madaxda Dowlad Goboleedyada, odayasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta in la ilaaliyo qoodadda haweenka ee 30%, sida ku qeexan heshiiska doorashada.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka  ahaa Gudoomiyaha haweenka ee Gobolka jubada Hoose, Faadumo Aaadan Katela iyo Gudomiyaha Haweenka Degmada Kismaayo Fadumo maxamed Cabdi, Suleqa Ahmed oo matalaysay haweenka iyo Xubin ka mid ah Gudiga  Xaqiijinta Qoondada   haweenka  heer federaal Suhuur Yuusuf iyo Ururka Haweenka Jubbaland.

Ugu horeyn,  waxaa warbahinta la hadashay Zuhuur Yuusuf Baynax oo xubin Gudiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadashay Faadumo Mahamed Abdi, Gudomiyaha Haweenka Degmada Kismaayo iyo Gudomiyaha Haweenka Gobolka jubadda Hoose faadumo Aadan katela, waxayna madaxda kala duwan ee dalka ka codsadeen in la ilaaliyo qoonadda haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here