Haweeneydii ugu horeysay ee Muslim ah oo ka mid noqotay golaha wasiirada Australia kadibna ku dhaaratay kitaabka Qur’aanka.

0
212

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dowladda cusub ee Australia ayaa waxaa ka mdi noqday 23 wasiirro ah oo la dhaariyay maanta. Toban ka mid ah ayaa haween ah.

Waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada, Annie Ali iyo wasiirka warshadaha Ed Husik oo noqday wasiirradii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda dowladda dalkaas.
Balse Annie Aly ayaa noqotay wasiiraddii ugu horreysay ee Muslim ah ee dowladda Australia ee ku dhaarata Kitaabka Qur’aanka.

Dowladda federaalka ee Australia ayaa la rumeysan yahay inay tahay tan ay ku jiraan dadka ugu badan ee kala duwan marka la eego dowladihii hore.

Annie Ali, oo ah xildhibaan ka soo jeedda Galbeedka Australia, waxay markii ugu horreysay Xisbiga Shaqaalaha ka mid noqotay iyadoo shaqaale ah, kaddibna ka mid noqotay golaha wasiirada cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here