Haweeney si cajiib ah uga bogsatay cudurka HIV

0
390
de: Eine computergenerierte, vereinfachte Darstellung von HIV-Partikeln. Die virale Hüllmembran ist grün dargestellt, das Hüllprotein gelb. en: A computer generated, simplified graphic depicting HIV particles. The viral envelope is shown in green, the envelope protein is depicted in yellow.

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Haweeney u dhalatay dalka Argentina ayaa u muuqata in jirkeeda uu si iskiis ah uga guuleystay fayraska HIV iyadoo aan loo adeegsanin wax daawo ah – waana markii labaad ee la diiwaan geliyo kiis ku saabsan qof qaabkan ku bogsaday guud ahaan caalamka.

Dhakhaatiirta ayaa aaminsan in bukaankan uu jirkeeda iska xoreeyay fayraska kaddib markii ay unugyada difaaca la dagaallameen.

Tijaabooyin lagu sameeyay in ka badan hal bilyan oo ka mid ah unugyadeeda ayaa muujiyay inuusan jirin wax raad ah oo sheegaya caabuqa.

Haweeneyda ka bogsatay fayraska HIV oo diiday in la shaaciyo aqoonsigeeda  ayaa la rumeysan yahay in difaaca jirkeeda uu ka hortagay cudurkan.

Arrintan ayaa horseedeysa rajo ku aaddan in “daawo loo helo bukaannada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here