Haweeney lacag xaday oo sixiroole u tagtay si ay xabsi uga badbaado.

0
177

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inay lacag ka xaday saraakiil ka tirsan dowladda ayaa laga soo xiray guri uu degenaa nin sixiroole ahaa si ay ugu badbaado in la xiro  sida ay sheegeen booliska.

Booliska waxay sheegeen in la xiray haweeneyda iyo ninkii sixiroolaha ahaa xilli ay ku sugnaayeen guri caan ah oo sixiroolaha lahaa oo ku yaalla caasimadda Nairobi.

Saraakiisha dambi baarista ayaa sheegay in haweeneyda la dhex galiyay weel uu ka buuxo dhiig shimbir.

Waaxda dambi baarista ee Kenya ayaa barta Twitter-ka ku baahisay qalabkii uu adeegsanayay sixiroolaha.

Haweeneyda ayaa lagu eedeeyay inay xaday lacag dhan $33,700 doolar ah iyo qalabka la isku qurxiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here