Haweeney Hal lug leh oo dhigtay Record Cusub oo dhanka orodka ah.

0
259

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Haweeney bilowday inay oroddo kaddib markii ay lugteeda ku waysay cudurka Kansarka ayaa waxa ay ka gudubtay rikoorka maaradoonnada xiriirka ah ee ugu badan ee ka diiwaangashan Guinness World Record.

Jacky Hunt-Broersma, oo 46-jir ah, ayaa maalinkasta ordaysay 26.2-mayl tan iyo bartamihii bishii Janaayo, iyadoo caadiyan ku orodda qiyaastii 5 saacadood.

Sabtidii, waxa ay soo afjartay orodkeedii isxigxigay ee 104-aad – guushaas oo ay filayso inuu meelmariyo Guinness World Records.

Afhayeen u hadlay haweenkaasi ayaa sheegay in la meelmariyo rikoorkan ay suuragal tahay inay qaadato ku dhawaad saddex bilood.

Markii ay soo kacday Axaddii – oo aheyd maalin ay fasax aheyd muddo dheer oo shaqo ah kaddib – ayey Jacky ka warrantay waxa ay soo martay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here