Haweeney Faransiis ah Oo Dalka Hindiya loogu xiray maxaad isu-qaawisay

0
793

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska ayaa lagu xiray magaalada Rishikesh ee ku taala waqooyiga dalka hindiya kadib markii ay iska duubtay muuqaal iyadoo qaawan xilli ay ku sugneyd buundada caanka ah ee Lakshman Jhula.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in muuqaalka haweeneydan oo qaawan lasoo dhigay baraha bulshada, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay dhaqanka iyo sharciga dalkaas.

Haddii lagu helo dembiga lagu soo eedeeyay waxaa laga yaabaa in lagu xukumo saddex sanoo xarig ah. Buundada oo ku dul taalo wabi ku yaala magaalada Rishikesh ayaa ah goob caan ka ah dalkaas oo ay siyaartaan dadka Hinduuga iyo dalxiisayaasha.

Haweeneydan oo lagu soo daayay damiin ayaa booliska u sheegtay in sababta ay isaga duubtay muuqaalka ay tahay sidii ay xayaysiin ugu sameyn lahayd ganacsigeeda dahabka.

“Dabcan gudaha dalka Faransiiska, waxa ay sameysay kama ahan wax la dhibsado balse Rishikesh waa goob la siyaarto, gaar ahaan Lakshman Jhula,” sidaas waxaa AFP u sheegay RK Saklani oo ah taliyaha booliska ee saldhigga haweeneydan lagu xiray.

Haweeneydan oo ilaa iyo hadda aanan la garaneyni heybteeda ayaa la xiray khamiistii lasoo dhaafay kadib markii booliska lagu wargeliyay muuqaalka.

“Markii su’aalaha la weydiinayay waxaa ay qiratay in muuqaalka qaawnida ay iyada duubtay balse waxaa kale oo ay sheegtay in aysan ogeyn in falka ay sameysay uu dembi ka yahay dalka Hindiya, ujeedadeedana waxay ahayd sidii ay sare ugu qaadi laheyd ganacsigeeda,” sidaas waxaa warbaahinta gudaha ee dalkaas u sheegay sarkaal kale oo katirsan booliska.

Dhageysiga dacwadda loo heysto haweeneydan Faransiiska ayaa laga yaabaa in ay qaadato muddo bilo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here