Haweeney fal cajiib ah ku sameysay tuug gaajeysan oo gurigeeda usoo dhacay.

0
76

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Markii ay haweeneydu weydiisay ninkii dhallinyarada ahaa in uu u baahan yahay caawimo, wuxuu yidhi “Hore ayaan caawinaad u helay laakiin wax badan ima tarin.”

Markaa kaddib haweeneydii ayaa siisay tuuggii loos gasacadeesan, dhalo malab ah, laba xabbo oo borotiin ah iyo baakad buskud ah.

“Midkoodna muu taaban keliya wuxuu cunay buskudkii,” ayay tidhi.

Intii uu ku gudo jiray cuntadii haweeneydii ayaa wacday lambarka booliska ee 911, laakiin wiilkii ayaa albaabka hore uga baxay.

Markii ay booliisku yimaadeen guriga Perkins, ayaa loo sheegay in uu halkaasi ka baxsaday taagga taas oo sababtay baadhis ay goobtaasi ka fuliyaan booliiska oo ugu dambeyntii ka helay wiilkii guriga ay ayeeyadiis ku nooshahay oo aaggaasi ah.

Sheekadaan ayaa waxaa si weyn u soo qaatay hay’ado kale oo caalami ah, oo aaminsan in dhacdada Perkins ay waxun ka baddeli doonto dhacdooyinka maalin laha ah ee dunida isla markaana ay saameyn togan ku reebi doonta bulshada.

“Dad badan ayaa la yaabay inaan ku dhiirraday inaan kursi soo qaatay oo aan dagaallamay,” ayay ytidhi Marjorie Perkins.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here