Halyeeyada Man United oo ku heesaya guushii ay gaareen kulankii Manchester derby

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kabtankii hore kooxda kubadda cagta Manchester United ee Roy Keane ayaa sheegay in kooxdiisu ay qaaday talaabo weyn oo ku aadan hormarinta qaab ciyaareedkeeda iyadoo uu hoggaaminayo macalin Ole Gunnar Solskjær, kaddib guushii ay xalay ka gaareen Manchester City.

Manchester United ayaa xalay guul muhiim ah kaga gaartay garoonkeeda Old Trafford kooxda Manchester City kulankii adkaa ee Manchester derby, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada 29-aad ee horyaalka Premier League.

Roy Keane ayaa u sheegay shabakada caanka ah “Sky Sports” ee dalka England:

Image result for roy keane and Gary Neville

“Wadada wali waa ay dheertahay, balse waa talaabo aad u weyn ee horey loo qaaday, aad ayey u adkaatay Man City sannadihii la soo dhaafay, laakiin waxaan dareemay in guusha ay aad muhiim u aheyd United-ka marka loo fiiriyo City”.

Dhinaca kale Gary Neville oo si weyn u ammaanay xiddigaha khadka dhexe kooxda Man United ee kala ah Nemanja Matic, Fred, Bruno Fernandes iyo Scott McTominay ayaa wuxuu yiri:

“Guushan weli kuma filna ilaa iyo laga helayo waxa ay kooxda u baahan tahay ee ah inay u soo baxdo tartanka Champions League, isla markaana ay xilli ciyaareedka kaga dhameysato afarta sarre, laakiin waa waqti xiiso leh”.

“Waxaan ka fikirayey qadka dhexe iyo hadalada dhamaan taageerayaasha United ee daafaha adduunka waxay diiradda saarayeen inay jirto dhibaato soo jiitameysay mudo 18 bilood ah ee ku aadan qadka dhexe, balse si lama filaan ah, Manchester United waxay yeelatahay qad dhexe ee aad u xoogan”.

“Miyey tani tahay kooxdii ugu fiicneyd ee ciyaartoyda United mudada 8-dii sano ee la soo dhaafay? Arrinta kuma xirna karti, laakiin dabcan, tani waa kooxdii ugu fiicneyd waliba farqi weyn, sababa la xiriira rabitaankooda ah inay joogaan halkaan”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here