Halkee Ayay Maraysaa Gool Dhalinta La Liga Kadib Markii La Ciyaaray Todobaadkii 3-aad Ee Xilli Ciyaareedka.

0
195

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa hogaaminaya Gool dhalinta horyaalka La Liga kadib markii uu ciyaaray 3 kulan oo tartanka ah.

Sidoo kale waxa ku daba naban weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema kaas oo isaguna sii wada wacdarihii uu ka dhigayay horyaalka La Liga.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ilaa haatan leh 4 gool 3-dii kulan ee uu ciyaaray horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Real Betis ee Borja Iglesias kaas oo dhaliyay isaguna 4 gool kulamadii uu ilaa haatan ciyaaray La Liga.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Real madrid ee Karim Benzema kaas oo leh 3 gool kadib markii uu 3 kulan u ciyaaray kooxdiisa Real Madrid.

Robert Lewandowski (Barcelona) 4 Gool

Borja Iglesias (Real Betis) 4

Karim Benzema (Real Madrid) 3

Igo Aspas (Celta Vigo) 4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here