Hal-Abuuro Ganacsi oo Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay ku soo badaneya.

0
503

Baydhabo(Radio Arlaadi) Mudooyinkii uga dambeeyey  waxaa magaalada baydhabo ee xaruunta gobolka baay laga dareemayey  hormar dhanka ganacsiga ah taasi oo qeyb ka ah hal abuurada dhanka ganacsiga oo soo kordhiyeen qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool degmada baydhabo iyo deegaanada koonfur galbeed.

Carwo baay fashion waxaa ay ka mid tahay carwoyinka cusub oo lagu soo kordhiyey degmada baydhabo  taasi oo sida uu noo sheegay milkiilaha goobtaan uu dharka ama waxyaabaha lagu iibiya ay ka keenaan dalalka deriska la ah soomaaliya.

Dhanka kale waxaa horey u jirey dhalinyaro aad u fara badan kuwaasi oo ku hami dheeraa in ay u tahriibaan dalal shisheeye si ay uga sameystaan ganacsi iyo weliba waxyaabo kale balse degmada beydhabo ayaa waxey noqotay mid soo saarta hal abuuro kala duwan oo ganacsi ka sameysteen, waxaana fikirkaasi soo dhaweyey qaar ka mid ah waaladiinta iyo weliba wax garadaka degmada baydbabo ee xaruunta gobolka baay .

Radio Arlaadi:-Maryan Macalin Abshir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here