Haaland Oo Jabiyay Rikoodh Kale Kadib Labadii Gool Ee Leeds

0
221

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga Erling Haaland ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta labo gool u dhaliyay kooxda Manchester City oo ku soo laabatay kaalinta labaad,ka dib markii ay 3-1 kaga badisay Leeds United.

City ayaa ahayd kooxda ugu gacan sareysay qeybta hore ee ciyaarta, iyagoo 16 darbo ku laaday kooxda ay martida u ahaayeen laakiin waxa ay ku qaadatay ilaa dhamadkii qaybta hore si ay gool uga dhaliyaan Leeds.

Haaland ayaa qaybii dambe ahaa xiddiga wacdaraha dhigay isaga oo dhaliyay goolkiisii 19-aad daqiiqdii 51-aad kadib markii uu Hadiyad ka helay Jack Grealish.

Sidoo kale xiddiga Haaland ayaa dhaliyay goolkiisii 20-aad daqiiqadii 64-aad taas oo la macno ah in uu dhaliyay 20 gool 14 kulan oo uu ciyaaray.

Haaland ayaaa dhaafay Kevin Phillips Isaga oo noqday xiddigii ugu dhakhsaha badnaa ee dhaliya 20 gool xilli ciyaaredka.

Xiddiga reer Norway ayaa muujiyay in uu u qalmo in uu ku guulaysto gool dhalinta Premier League xilli ciyaareedkan maadama ayna jirin cid xitaa u soo dhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here