Guinea oo markii ugu horreysay diiwaangelisay kiisaska cudurka Ebola tan iyo sanadkii 2016-kii.

0
239

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ugu yaraan 3 qof ayaa u dhintay cudurka Ebola gudaha dalka Guinea halka cudurka laga helay shan qof oo kale, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Waxaana dadkan uu soo ritay cudurka lagu arkay shuban, matag iyo dhiig kaddib markii ay ka qeybgaleen munaasabad aas ah.

Intii u dhexeysay sanadihii 2013-kii iyo 2016-kii, in ka badan 11,000 qof ayuu cudurka Ebola ku dilay galbeedka Afrika.

Waxaa socday dadaallo dhowr ah oo lagu baadigoobayo tallaal looga hortaggan cudurkan, waxaana tallaalka laga adeegsaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo markiii ugu horreysay uu ka dillaacay halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here