Gudoomiyaha Naafada KG Oo Sheegay In ay Xaq u leeyihiin ka shaqeynta Xafiisyada Dowlada.

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Mukhtaar Cali Isxaaq waa gudoomiyaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee koonfur galbeed waxay kamid yihiin dadka sida gaar ah ee loogu casuumay shirka olalaha wacyi galinta bulshada arimaha dib u eegista dastuurka.

Sadaxdii maalmood ee shirkaani ka socoday magalada baydhabo ayaa gudoomiye Mukhtaar waxaa uu sheegay in ay ka dhiibteen fikirado, aragtiyo iyo wax yaabaha ay ubaahan yihiin in lagu soo kordhiyo qodobo si toos ah ugu hadlaayo xaquuqda ay leeyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Gudoomiyaha  dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee koonfur galbeed Mukhtaar Cali Isxaaq ayaa sheegay in ay qeyb ka yihiin bulshada kale xaquuqna ay u leeyihiin in ay kamid noqdaan qeybaha dowlada ay ka kooban tahay sida baarlamaanka, wasiirada iyo in ay ka shaqeyaan xafiisyada dowlada.

Warkan waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here