Gudoomiyaha Gudiga Dhismaha Maxkamada Degmada Xudur oo ka hadlay Dhismaha Maxkamadaasi

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Gudoomayaha gudiga dhismaha maxkamada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Cumar cabdulaahi maxamuud ayaa waxaa uu ka warbixiyay goorta ay soo geba gebaoowi doonto dhismahaasi oo si isxilqaan ah ay ku dhisteen maamulka iyo shacabka ku nool degmadaasi.

Sidoo kale qaar kamid ah magaalooyinka katirsan koonfur galbeed gaar ahaan degmada baydhabo ayaa shacabka iyo masuulin katirsan wasiirada iyo masuulin kale ayaa ka qeyb qateen lacag oo ay iska soo aruuriyeen barnaamijo lagu qabtay magaalada baydhabo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudo sanado ah xaqa garsoorka lagu geynaayay geedaha hoostooda si taasi loogu gudbo ayaa Gudoomayaha gudiga dhismaha maxkamada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Cumar cabdulaahi maxamuud ku sheegay in maamulka iyo shacabka degmada xudur ay gu`aan sadaan in ay isku tashtaan oo ay dhistaan maxkamad cadaalad lagu goynaayo.

Wariyaheena Siid Ali Muuse Ateera ayaa Wareystay  Gudoomayaha gudiga dhismaha maxkamada degmada xudur ee xarunta gobolka bakool Cumar cabdulaahi maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here