Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Maamulka Diinsoor Ee Gobolka Baay,waxaa Kulanka ka soo qeyb galay Hey’adaha Samafalka iyo Kuwa taageera Maamulka.
Kulanka ayaa Shir gudoominayay Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Kaasi oo qaatay mudo Saacad ah waxaana aad loogu hadlay inta Shirkaas socday Xaalada guud ee Degmaasi ka jirta gaar ahaan Arimaha bani,aadanimada maadama mudooyinkii ugu dambeeyay halkaasi ay ka jirtay dhibaatooyin Nolosha Bulshada si aad ah u taabatay,gaar ahaan Saameynta Ayaxa.
Warkan waxaa inoo haya Abdikadir Mohamed nor Warcade