Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo ka faala qaaday Waxbarashada Gabdho Agoon ah.

0
143

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasimaha Waaxda horumarinta ageegyada waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Cujub ayaa maanta kormeeray School-ka ummu Mu’miniin Caaisha ee degmada Xamar Weyne oo ah xarun lagu xanaaneeyo islamarkaana wax lagu baro 173-gabdhood oo agoon ah.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray fasalada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan isaga oo warbixin kooban ka dhageestay maamulka xarunta daryeelka ummu Aisha, waxa uuna ku amaanay sida ay isugu xilqaameen taageerada iyo garab istaaga caruurta Agoonta ah.

Warkung Waliba nig haaye Abdyraamang Yusuf Hasyng

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here