Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah.

0
167

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Wadadaan oo isku xerta Laamiga weyn ee Gaadiidka iyo Laamiga Liido, ayaa waxa ay dhex marta Suuq-yaraha Degmada Cabdicasiis.iyadoona munaasabadda dhagax-dhiga ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax Roda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Gobolka Banaadir, Odayaasha deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.

Warkung Waliba nig haaye Bishaar Mayow Muktaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here