Guddoomiyaha D/Afgooye oo shaaciyay xaalada adag oo kajirta degmadaas

0
266

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ahna Duqa magaalada Aweys Cabdullaahi Cumar (Buulalow) oo maanta faah faahin ka bixiyay xaalada ka jirta degmadaas ayaa sheegay in xilligan Degmada ay ka Jirto xaalad Adag

“Waxaan maalmahan aan kormeeray meelaha uu Webiga biyo naqa ku sameeyay waxaa hadda Dhibaato ka jirtaa Waaxda 21 Octoper Iyo Agagaarka Xerada Ciidamada AMISOM ee Degmada’

isagoo sii Hadlayay Gudoomiyaha Ayaa Dalbadey Gurmad in lala gaaro shacabka degmada ee uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga.

“Waxaan Guddoomiyaha Gobolka ,Wasiirka Arimaha Gudaha DKGS iyo HaY’adaha deeqda bixiya ka dalbaneynaa in loo soo gurmado Shacabka Degmada Afgooye ayuu yiri” Guddoomiyaha.

Roobka maalmahaan ka da’ayay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa uu sababay inay guryo badan Biyo galaan, isla markaana dadkii deganaa ay barakacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here