“Guardiola ayaa sabab u ahaa inaan ku biiro Real Madrid” – Mesut Ozil

0
309

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xiddiga reer Germany iyo kooxda Arsenal ee Mesut Özil ayaa sheegay inuu ku dhawaaday ku biirista naadiga Barcelona sanadkii 2010-kii, laakiin maadaama uusan Pep Guardiola xiiso ka muujinin adeegiisa ay ka dhigtay inuu u wareego dhanka Real Madrid.

Wargeyska “Defensa Central” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu Mesut Özil kaga hadlay dhowr arrimood waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Kaddib Koobkii Adduunka ee 2010, Real Madrid iyo Barcelona waxay rabeen inay ila saxiixdaan, waxaan u maleynayay inaan u saxiixayo Barca, laakiin Pep Guardiola iima sheegin inuu ii baahan yahay aniga”.

Arsenal star Mesut Ozil reveals why Pep Guardiola caused his move ...

“Dhanka kale, José Mourinho aad ayuu iigu qancsanaa, wuxuuna go’aansaday inuu ila saxiixdo, si ka duwan tababbaraha Barcelona, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan la shaqeeyo tababaraha reer Portugal”.

“Waxaan ahaa mid walwalsan, laakiin isla waqtigaas waan faraxsanaa, sababtoo ah Real Madrid waa koox weyn, waxaana ku riyooday inaan ku ciyaaro halkaas, waana sababta aan ugu dayday Zinedine Zidane”.

“Inaan ka tago Real Madrid waxay aheyd go’aankii ugu adkaa nolosheyda, sababtoo ah waxaan ku riyooday inaan ku guuleysto Champions League anigoo ku sugan garoonka Santiago Bernabeu”.

“Si ma ahan, in qalbigeyga uu u garaacmay Real Madrid, waxaan ku ciyaaray halkaas ilaa maantana wali saaxiibo badan ayaan ku leeyahay kooxda”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here