Graham Potter Oo Durba Koox Weyn Oo Premier League Ahi Doonayso!

0
137

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Chelsea ayaa xilli dambe oo xalay ah ku dhawaaqday caydhinta tababarihii ay isla gudaha xilli ciyaareedkan magacawday ee Graham Potter.

Blues ayaa haatan booska 11-aad kaga jira kala sarreynta Premier League kaddib guuldarradii 2-0 ka ahayd ee Stamford Bridge kaga soo gaadhay Aston Villa oo marti u ahayd.

Iyadoo saacadahaas kooban laga joogo caydhintii Graham ayaa durba lala xidhiidhinayaa booska isla shalay ka banaanaaday Leicester City oo iyaduna cawda u jartay macalin Brendan Rodgers.

Maamulka Leicester ayaa mudo dheer la dhacsanaa lana socday Potter oo soo maamulay Brighton laakiin waxa ay marka hore doonayaan inay ogaadaan haddiiba uu diyaar u yahay inuu degdeg shaqo kale oo tababarenimo u bilaabo.

Mulkiilaha Foxes ayaa haatan u safraya Engand waxaana la filayaa inuu ka qayb galo kulanka kooxdu Aston Villa la ballansan tahay Axada.

Tababarayaasha kale ee lala xidhiidhinayo Leicester waxa kamid ah Rafael Benitez, Jesse Marsch iyo Ralph Hasenhuttl si lamid ah Adi Hutter oo ah macalinkii hore ee Monchengladbach.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here