Google oo ka hortagtay 18 malyan oo ah farriimo ka yimid burcad

0
278

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha burcadda ah ee jabsada baraha internet-ka iyo Email-lada waxay 18 malyan oo farriin oo ku saabsan xannuunka Covid-19 u diraan dadka maalin kasta isticmaala barta Gmail-ka, sida ay sheegtay shirkadda Google.

Shirkaddan weyn waxay sheegtay in cudurka safmarka ah ee coronavirus uu horseeday inay soo kordhaan weerarrada kooxaha jabsada xogta barta internet-ka kuwaas oo dadka u soo dirayo farrimo si ay u dhacaan xogtooda.

Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay in meesha ay ka saareyso 100 malyan oo farriin ah oo ka timid kooxahan dhaca geysta.

Dhibaatada ka dhalatay fayraska waxay horseeday weerarkii ugu weynaa oo ay geystaan kooxaha dhaca ka geysta internet-ka, sida ay sheegtay shirkaddan teknooloojiyadda.

Barta Email-lada ee Gmail waxaa adeegsadaa in ka badan 1.5 bilyan oo qof.

Waxay dadka qaar ee isticmaala internet-ka u soo direen Email-lo dhowr ah oo ay isaga dhigayaan sida mas’uuliyiin ka tirsan Ha’yadda Caafimaaka Adduunka, iyagoo isku deyaya in dadka uu xanuunkan saameeyay ay kaga dhaadhiciyaan inay soo dejistaan barnaamijyo ama inay wax ku tabarucaan.

Kooxaha dambiyada ka geystaa internetka waxay isku deyayaan inay ka faa’ideystaan tageerada dhaqaale ee ay dowladaha bixiyaan si ay isaga dhigaan ha’yadaha dowladda ee deeqda gaarsinaya shacabka.

Shirkadda Google waxay ku anddacoontay in qalabkeeda xogta uu suurogeliyay inay qabato ayna tirto boqolkiiba 99.9% Email-lo been abuur ah oo loo diray macaamisheeda oo looga gollahaa in lagu jabsado xogtooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here