Goobaha shaqada iyo waxbarashada New Zealand oo dib loo furay kadib markii kiisas ka mid ah cudurka karoona laga wayay dalkaasi.

0
410

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ra’iisal wasaare Jacinda Ardern ayaa shaacisay inay “qoob ka ciyaar” sameysay si ay u debaaldegto markii uu dalkeeda New Zealand shaaciyay inuu soo afjaray Fayraska Korona ee adduunka hareeyay.

Dalkaasi ayaa qaaday inta badan xayiraadihii shacabka saarnaa kadib markii muddo laba todobaad ka badan aan la soo sheegin kiisas cusub.

New Zealand ayaa 25-kii March gebi ahaanba dalkeeda xirtay, waxaana albaabada loo laabay ganacsiyada, goobaha waxbarashada, dadkuna waxaa lagu amray inay guryaha joogaan

Dalkaasi ayaa cudurka kaga guulaystay muddo ka yar 50 cisho, waxaana uu hadda kusoo laabtay noolashii caadiga ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here