Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay Heshiisyo Caalami ah

0
304

Mudanayaasha Golaha Shacabka  ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta yeeshay Kulankooda Caadiga ahaa, kaas oo uu Shir Guddominaayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka  Mahad Cabdalla Cawad.

Ajendayaasha Kulanka Maanta ayaa waxaa ay kala ahaayeen Akhrinta 1aad  ee saddexda Heshiis ee kala ah Qaramada Madoobay, Midowga Afrika 146 iyo Carabta 145  ee la dagaalanka iyo ka hortagga Musuq-maasuqa, Akhrinta 2aad ee Hay’addaha aan Dawliga Ahayn  (NGO) iyo  Akhrinta  2aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Mudanayasha Golaha SXhacabka ayaa Ansixiyey Heshiiska Qaramada Midoobey, waxana Ogol ugu  codeeyey 146 Mudane, wax diiday ama ka aamusay majirin.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa ansixiyay Heshiisyada Midowga Afrika iyo Carabta ee la Dagaalanka Musuq Maasuqa, waxaana codeeyay 145 Mudane labo Mudane ayaa diiday halka hal Mudane uu ka Aamusay.

Dhanka Kale Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa  ayaa Akhrinta Labaad Marsiiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga, iyada oo dib loo dhigay Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn ee (NOGO-ska)

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Arrimaha Garsoorka XFS Abdulkadir Mohamed Nur(Jaamac) ayaa Ansixinta Kadib U Mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here