Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor Oo Ladoortay.

0
475

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasaaradda Arrimaha gudaha koonfur galbeed oo soo gabagabeysay doorashada xubnaha golaha deegaanka degmada Diinsoor oo ka kooban 21 oo maalmahaan ay ku howlanaayeen wasaaradaha arimaha gudaha Dowlada FS iyo koonfur galbeed.

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa muddooyinkan dambe waxaa ay ku howlaneed dhisida golayaasha deegaanadda ee degmooyinka koonfur galbeed si loo xoojiyo tiirka dowladaha hoose loona xaqiijiyo hananka wadajirka dowlada iyo shacabka taasi oo tilmaan u ah hergalinta yoolka dowladaha hoose.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa si loo xoojiyo nidaamkan waxaa ay ku guuleysatay dhisida 2(labo)degmo oo hore kala ah Xudur, Bardaale iyo degmada Diinsoor oo ah degmadii sadaxaad oo maanta la doortay 21-keeda xildhibaan kuwaasi oo 10-ka mid ah ay yihiin dumar halka 11 ka kalena ay yihiin rag.

Radio Arlaadi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here