Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo maanta laga filayo arrin xal u ah xabadda Qasa ka socota

0
57

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa inuu u codeeyo xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa, maalmo kaddib markii Maraykanku uu diiday yahay qaraar la mid ah kano o goluhu soo jeediyay.

Qabyo-qoraalka hadda la soo jeediyay waxaa soo bandhigay koox ka kooban 20 waddan oo Carbeed iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Ma jiro waddan awood diidmo qayaxan ku leh golaha guud ee 193 xubnood. Si kastaba ha ahaatee, si ka duwan sida uu qabo Golaha Ammaanka, qaraarada Golaha loo dhan yahay maaha kuwo sharci ah, inkastoo ay ka tarjumayaan ra’yiga caalamiga ah.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Golaha Ammaanka ayaa lix jeer ku guuldareystay inay meel mariyaan qaraar ay ku dalbanayaan xabbad-joojin sababtoo ah 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay ayaa isku khilaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here