Gobolka Montana ee Maraykanka oo meel marinaya sharci mamnuucaya isticmaalka Tiktok.

0
118
The TikTok logo is seen on an iPhone 11 Pro max in this photo illustration in Warsaw, Poland on September 29, 2020. The TikTok app will be banned from US app stores from Sunday unless president Donald Trump approves a last-minute deal between US tech firm Oracle and TikTok owner ByteDance. US authorities say the Chinese video sharing app threaten national security and could pass on user data to China. (Photo by Jaap Arriens/NurPhoto via Getty Images)

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Gobolka Montana ee dalka Maerykanka, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Maraykanka oo meel mariyo sharci mamnuucaya isticmaalka Tiktok.

Haddii guddoomiyaha gobolka uu saxiixo lasoo gudbiyey sharciga, ayaa waxaan shaki ku jirin in isticmaalka Tiktok uu noqon doonto dembi.

Tallaabadan muhiimka ah ee uu gobolku si rasmi ah ugu mamnuucayo Tiktok sababo amni awgood, ayaa ku soo beegmaya xilli gobollada kale ee Maraykanka ay arrintan falan qeynayaan.

Shirkadda Tiktok ayaa marar badan beenisay eedeymaha ah in ay xogta siiso dowladda Shuuciga ah ee Shiinaha, iyada oo ku wareejinaysa macluumaadka gaarka ah ee isticmaalayaasha maamulka Beijing.

Sida sharciga qabo, Apple iyo Google waa inay Tiktok ka saaraan bartooda lagala soo dago barnaamijyada.

Dalalka Maraykanka, Kanada iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayaa horey u mamnuucay isticmaalka Tiktok ee talefannada iyo kumbuyuutarrada yaalla xafiisyada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here