Go’aanka Maamulka Premier League Ee Joojinta Horyaalka Oo La Ogaaday.

0
302

Maamulka Horyaalka Premier League ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaadheen joojinta horyaalka premier League bisha dambe sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Maamulka Premier League ayaa sheegay in ayna wax qorshe ah u hayn in ay joojiyaan premier League inkasta oo ay kooxaha premier league wadahadalo ay doonayaan in lagu joojiyo horyaalka ku wada jiraan.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ayna maamulka Premier League joojin doonin horyaalka premier League inkasta oo xanuunku ku soo badanayo kooxaha.

Premier League ayaa xaqiijiyay in 18 kiis oo xanuunka Korona ah laga helay 20-ka kooxood ee premier League kadib baadhitaankii 28 bishii December.

Kooxo dhawr ah ayaa wadahadalo ka qaatay joojinta horyaalka bisha dambe ee January kadib markii uu xanuunku ku batay kooxaha.

Laakiin Sidoo kale Xukuumada UK ayaa sheegtay in ayna wax qorshe ah u hayn joojinta horyaalka premier League bisha dambe waliba doonayaan in la sii ciyaaro kulamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here