Gerard Pique Oo Magacaabay Xiddiga Ay Tahay In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta Ballon d’Or

0
462

Tartanka loogu jiro abaal -marinta Ballon d’Or ee 2021 ayaa sii kululaanaya, iyadoo xiddigaha kubbadda cagta ee heer sare ah ay garoonka ku soo bandhigeen wixii ugu fiicnaa.

Waxa la soo saaray Liiska 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or ee 2021 iyada oo uu Lionel Messi ku jiro.

Waxa haatan la isku diyaarinaya xaflada abaalmrinta oo la qaban doono 29 bisha November iyada oo xaflada lagu qaban doono magaalada Paris.

Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa u doortay saaxiibkiisii ​​hore ee Lionel Messi inuu yahay xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta sida uu sheegay xiddiga 34 jirka ah.

“Ballon d’Or -ka? Haddii qofka ku guulaysanaya loogu codaynayo shuruudo gaar ah, xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta waa Messi sababta oo ah Messi waa xiddiga ugu fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here