Ganacsatada Suuqa Xoolaha Ee Magaalada Baydhabo oo sheegay in isbedel weyn laga dareemayo Qiimaha Xoolaha lagu iibiyo.

0
693

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Suuqa xoolaha ee Magaalada Baydhabo ayaa maalmo ka dib waxaa laga daremayaa dhaqdhaqaaqyo fiican oo ku aadan iibinta xoolaha kala duwan madaama xoolo badan laga iibiyey intii lagu jirey maalmihii ciidul adxa.

Xoolaha ay ka midka yihiin ariga iyo lo`da ayaa si aad ah loo iibsadey madaama hay`adaha iyo dadka kale ee muxsiniinta ah maalmahaasi ay sadaqeystaan xoolaha nool iyo hilibkooda, waxaana jira xoolo badan oo laga keeney gobolka bakool iyo Degmooyin kale oo ka tirsan gobolka baay in kuwo lagu iibiyey Magaalada Baydhabo qaarkoodna loo gudbiyey gobolada kale ee dalka.

Warkan waxaa inoo haya Siid Cali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here