Galmudug iyo Hirshabeelle oo barbaro ku galay garoonka Stadium Muqdisho

0
60

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Stadium Muqdisho.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Qaybtii hore ee Ciyaarta ayaa xulka Galmudug ayaa helay rigoore waxana u dhaliyay xidigii hore Xulka Puntland Axmed Aadan Saciid.

Qaybta dambe ciyaarta ayaa labada xul waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed wanaagsan taasi oo xul waliba ku dadaalayay inuu guul gaaro.

Ciyaartooyda Xulka Galmudug iyo Taageerayaashooda ayaa maankooda geliyay in ay adkaadeen, basle  daqiiqadihii u dambeeyay waxaa qalada galay gool ilaaliyaha Xulka Galmudug taas oo uu ku ciqaabay xidiga lagu magacaabo Yaasiin Cabdiraxman Yuusuf kaasi oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here