Gabar ka careysiisay dhammaan ragga dalka Shiinaha

0
304

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Yang Li oo ah gabar u dhalatay dalka Shiinaha isla markaana ku magac dheer “boqoradda shactirada” ayaa mar kastaa waxay gunta u gashaa muran.

Gabadhan oo 29 jir ah ayaa hadda ka mid ah majaajilleysteyaasha ugu caansan waddankaasi Shiinaha, waxa ayna bilihii u dambeeyay ku soo caan baxday barnaamij ka baxa teleefishan laga leeyahay dalkaasi.

Toddobaad kastaa, waxay si xirfadeysan oo shactiro leh ula hadashaa malaayiin qof oo ay kala hadasho arrimaha jinsiga ee muranka dhaliyay, iyadoo ay daawanayaan malaayiin qof.

Bishii Diseembar ee sandkii tegay ayaa waxa ay ka sheekeysay kaftan dhex maray iyada iyo nin isna majaajilleyste ah oo ay wada shaqeeyaan, kaa oo markii uu kaftankeeda ka yaabay ku yiri “xadka dulqaadka ragga ayaad tijaabinaysaa”.
Haseyeeshee Yang ayaa ugu jawaabtay “raggu ma leeyihiin dad dulqaad?” arrintaasi oo ay dhaliil badan kala kulantay.
Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa ragga dalkaasi oo adeegsanaya baraha ay bulshadu ku xiriirto waxay ku eedeeyeen in ay tahay qof ragga neceb. Dhanka kale koox sheegtay inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda ragga ayaa ugu baaqday shacabka dalkaasi Shiinaha in Yang ay ku dacweeyaan hay’adda mamausho warbaahinta dalkaasi, waxayna ku eedeeyeen in ay “marar badan aflagaadeysay ragga oo dhan” ayna “abuurtay naceyb jinsi ku saleysan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here