Fursadaha Andy Robertson Ee Kulanka Brighton Oo La Ogaaday.

0
210

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uuna xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Andy Robertson taam u noqon doonin kulanka ay Liverpool La ciyaari doonto Brighton premier League.

Liverpool ayaa sabtida la ciyaari doonta Brighton kulankii 9-aad ee horyaalka premier League kuna soo gali doona 5 galabnimo wakhtiga Somaliya.

Wargayska ayaa sheegaya in uuna Robertson wali ku soo laaban tababarka sidaas darteed seegi doono kulankaas maadama uuna wali ka soo kabsan dhaawac jilibka ahaa oo soo gaadhay.

Robertson ayaa dhaawac jilibka ah ka soo gaadhay kulankii Napoli ee champions League ka hor fasaxii xulalka waxana uu seegay kulankii Ajax ee ka dambeeyay.

Laakiin waxa ay u muuqataa in uuna xiddiga 27 jirka ah wali si buuxda uga soo kabsan dhaawaca soo gaadhay isla markaas seegi doono kulanka Brighton.

Waxa la filayaa in uu booskiisa ku bilowdo xiddiga Konstantinos Tsimikas kaas oo kulankii Ajax soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here