Frank Lampard Oo Xiddig Dhaawac Uga Maqan Kooxdiisa Ku Eedeeyay Guuldarooyinka Blues Kulamadii Ugu Dambeeyay.

0
264

Tababaraha Kooxda chelsea Frank Lampard ayaa xiddig dhaawac uga maqan kooxda ku eedeeyay natiijooyinka xun ee ay kooxdiisu gaadhay kulamadii ugu dambeeyay premier Leageu.

Frank Lampard ayaa sheegay in qaab ciyaareedka xun ee kooxdiisa uu sabab u yahay xiddiga dhaawac uga maqan ee Hakim Ziyech.

Xiddiga Hakim Ziyech ayaa dhaawac uga maqan tan ilaa 5 bishii December waxana uu seegay kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa ku dhaw in uu garoomada ku soo laabto laakiin chelsea ayaa hal guul gaadhay 6-dii kulan ee u maqnaa tartamada oo dhan.

Markii la waydiiyay in dhaawaca Hakim Ziyech ay sabab u tahay qaab ciyaareedka iyo natiijooyinka xun ayuu lampard yidhi”Haa uma malaynayo tahay mid aan la arkayn”.

“Waxan u malaynayaa in marka uu Hakim Ziyech waa xiddig saamayn leh waxana uu sameeyaa fursadaha sidoo kale caawiye ka noqdaa goolasha”.

“Sidoo kale waxa uu nasiiyaa kalsooni marka uu ciyaarayo”.

“Waxa uu dhaawacmay Anaga oo qaab ciyaareed fiican ku jirna kadib waxa hoos u dhacay qaab ciyaareedkeena”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here