Folarin Balogun Oo Go’aan Ka Gaadhay Ku Biiristiisa Chelsea Kadib Wadahadal Dhexmaray Labada Kooxood.

0
103

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga Arsenal Folarin Balogun ayaa u furan inuu ku biiro Chelsea xagaagan ka dib markii Blues ay u dhaqaaqday saxiixa weeraryahanka.

Xiddiga reer America ayaa doonaya in uu ku biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedka.

Balogun ayaa dhaliyay 21 gool 37 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Reins xilli ciyaareedka.

Weeraryahanka ayaa doonaya in uu sii joogo Arsenal laakiin waxa uu ka dambeeyaa Gabriel Jesus iyo Eddie Nketiah.

Kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa haatan wadahadalo ku jira si ay uga heshiiyaan saxiixa xiddiga iyada oo chelsea doonayso lacag dhan 60 milyan oo euro.

Wargayska Enening Stanadard ayaa sheegaya in uu Balogun diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here