Film ay jileen atoorayaal caan ah oo muran dhaliyay

0
425

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Film cusub oo ku saabsan sida ay dadka Hinduuga ah uga qaxeen qaybta ay Hindiya ka maamusho gobolka Kashmir sannadihii 1990-meeyadii ayaa dufaan muran ah ka dhex kiciyay shacabka Hindiya.

Xisbiga dowladda hoggaamiya ee BJP ayaa taageero u muujiyay filimkan.

Qisada uu ku saabsan yahay filimkan, oo lagu magacaabo ‘Kashmir Files’ ayaa lasii daayay Jimcadii, waxa uuna ka hadlayaa wiil arday ah oo ogaaday in waalidiintiisa oo ka mid ahaa dadka Hinduuga ah ee Kashmir daggan la dilay.

Ardaygan ayaa sidoo kale ogaanaya in sheeko uu awowgiis u tebiyay oo ahayd in waalidiintiisa ay shil ku dhinteen ay tahay been abuur.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin filimka, ayna taageersan yihiin sheekooyinka ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here