FIFA Oo Shaacisay 3-da Goolhaye Ee Kama Dambaysta Ah Ee U Tartami Doona Abaalmarinta Goolhayaha Ugu Fiican Adduunka.

0
258

Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa shaaciyay Liiska 3-da goolhaye ee kama dambaysta ah ee u tartami doona Goolhayaha ugu fiican adduunka sanadka 2020.

Abaalmarinta ayaa la qaybin doonaa 17 bishan December ee haatan lagu jiro iyada oo ka mid ah xaflada abaalmarinta The Best ee ay FIFA bixiso.

Markii hore abaalmarinta waxa ku tartamayay 6 Goolhaye oo hordhac ah waxana haatan la soo saaray 3-da kama dambaysta ah ee abaalmarinta u tartami doona.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson, Goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer iyo Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblack ayaa ah 3-da goolhaye ee abaalmarinta u tartami doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here