Feeryahan caan ah oo nin ku dhex feeray diyaarad gudaheed.

0
189

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Feeryahankii hore ee tartanka miisaanka culus Mike Tyson ayaa nin rakaab ahaa ku dhex feeray diyaarad kadib markii uu ninkaas kuu tuuray caagad biyo ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Tyson.

Muuqaal laga soo qaaday diyaaradda ayaa muujinaya Tyson oo dhowr jeer feer la dhacaya ninka aan ilaa hadda magaciisa la sheegin.

Arrintani ayaa ka dhacday gudaha diyaaradda JetBlue ka hor inta aysan diyaaradda u dhaqaaqin dhinaca gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Afhayeenka ayaa inta ku daray in rakaabkii ay diyaaradda isla saarnaayeen uu garddareystay Tyson isla markaana uu dhibaato kala kulmay.

Booliska ayaa soo qabtay labo qof oo lala xiriirinayo arrintani, inkasto markii dambe ay siidaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here